Ciidamada booliska oo gacanta ku dhigay mooto ay ku xirnaayeen qaraxyo iyo raggii la socday
Boolis
Afgoorey —
Ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay mooto bajaaj siddey waxyaabo qarxa.
Mootada ayaa la sheegey inay ciladowday taas oo soo jeedisay dareenka ciidamada, iyada oo markii la baarey kadibna laga helay waxyaabo qarxa. Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay arrintan.