Cali Jeyte oo ku gacan-seyray xilka qaadista lagu sameeyay, kuna dhawaaqay dhismaha maamul cusub

Cali Jeyte

Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka horyimid xil ka qaadis uu xalay ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullhi Xuseen Guudlaawe.

Cali Jeyte oo goordhow shir jaraa’id ugu qabtay galabta suxufiyiinta magaalada Beledweyn ayaa iska diiday inuu u hoggaansamo xil ka qaadista.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in wixii maanta ka bilowda Gobolka Hiiraan uu isaga baxay maamulka Hirshabeelle, isagoo ku baaqay shir weyne lagu dhisayo maamul uu ku magacaabay Hiiraan state.

Wariyaha VOAda Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan ka soo diray. Beledweyne.

Your browser doesn’t support HTML5

Cali Jeyte oo ku gacan-seyray xil ka qaadistii lagu sameeya.m4a