RW oo Booqday Buulo Barde iyo Jowhar

Ra'iisul-wasaaraha oo Tagay Buulo-Burde

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqday Buulo Barde iyo Jowhar, safarkii ugu horreeyey ee uu ku tago tan iyo intii uu xilkaasi qabto.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa kulan la yeeshay odayaasha iyo dadka magaalooyinka uu booqday.

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in dawladdu ka shaqayn doonto dhinaca amniga iyo sidii la iskugu furi lahaa waddada isku xidha Jowhar iyo Buulo Barde.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA, ayuu RW Cabdiweli wuxuu sheegay in dowladdu ay gar-gaar gaarsiin doonto dadka ku nool goobaha laga xoreeyey al-Shabab, sidoo kalena ay dowladdu halkaasi gaadhsiin doonto maamullo.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Ra'iisul Wasaaraha