Illo ku dhow howlaha maraakiibta ayaa maanta oo salaasa ah sheegay in burcad-badeedu ay galbeedka badweynta hindiya ku qabsadeen markabkan oo lagu magacaabo FV Sakoba.
Baaxadda markabkaasi iyo shaqaalaha saran cidda ay u dhasheen ayaan ilaa haatan la ogeyn, balse ciidamada la dagaalama burcad-badeeda ee Midowga yurub ayaa sheegay in markabkaasi uu haatan ku sii wajahan yahay magaalada Xarardheere oo ah saldhig ay burcad-badeeddu dagan yihiin.
Ciidamada Midowga Yurub ayaa kordhiyay dadaalkooda ay ku carqaladeynayaan howlaha burcad-badeedda, waxayna sheegeen in tan iyo jimcihii ay qabteen 40 burcad-badeed iyo laba markab oo nooca waaweyn ah oo ay burcad-badeeddu weerarada ka qaadaan.
War qoraal ah oo maanta oo salaasa ah ay ciidamada Midowga Yurub soo saareen ayay ku cadeeyeen in weerarada burcad-badeeddu ay u muuqdaan kuwa sii socon doona.