Boosaaso: Maxkamad xukun ku riday dhallinyaro dhibaateeyey qoys

Dhallinyaro lagu xukumay Boosaaso

Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa xukun isku jira xabsi iyo ganaax ku riday 5 dhalinyaro oo ku eedeysanaa in ay ku xad-gudbeen xuquuqda qoys ay toddobaadkii la soo dhaafay ugu dhaceen gurigooda xilli habeenimo ah, islamarkaasna ay ka duubeen muuqaal argagax leh.

Dhalinyaro ayaa lagu kala xukumay 6 iyo 5 sano oo xarig ah, iyo 4 kun oo dollar midkiiba. Warbixintan waxaa Bossaso kasoo dirayta Faaduma Yaasiin.

Your browser doesn’t support HTML5

Boosaaso: Maxkamad xukun ku riday dhallinyaro dhibaateeyey qoys