Booliska oo ka hadlay sababta Muudey looga celiyey garoonka Aadan Cadde

Cabdiweli Muudey

Booliska Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay sababta shalay garoonka Aadan Cadde looga celiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Muudey.

Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa shalay sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka hor-istaageen safar uu ku tagi lahaa degmada Baraawe, si uu ugu tartamo kursiga sumadiisu tahay HOP#145, ee uu afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku matalayay beeshiisa, arintaas oo uu ku tilmaay mid sharciga baal marsan.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Booliska oo ka hadlay sababta Muudey looga celiyey garoonka Aadan Cadde