Muqdisho —
Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay shan qof dhinteen, toddoba kalena ay dhaawacmeen kadib markii qof ismiidaamiye ah uu saaka isku qarxiyey maqaayad ku taal degmada Xamarweyne.
Qaraxan ayaa imanaya iyadoo bilihii u dambeeyey uu soo hagaagayey amniga caasimadda.
Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Saddiiq Aadan Cali Duudishe, ayaa faahfaahinta sidey wax u dhaceen uga waramay Jamaal Axmed Cismaan.
Your browser doesn’t support HTML5
Booliska oo faah-faahin ka bixiyey qarax maanta ka dhacay Muqdisho