Benzema oo ka tagay Real Madrid 14 sano kadib, kuna sii jeeda horyaalka Sacuudiga

FBL-EUR-C1-REAL MADRID-CHELSEA

Laacibka heysta abaalmarinta sanadka ee Ballon d’Or Karim Benzema ayaa ka tagi doona Real Madrid si xor ah xilli ciyaareedka soo socda, kadib 14 sano oo uu koobab is dabajoog ah la qaaday, sida ay Madrid sheegtay Axadda maantaa ah.

Waxaa weeraryahankan lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo kooxda Saudi Arabia ee Al Ittihad.

Si kastaba ha ahaatee, yabooh ay warbaahintu ku qiyaastay in uu qiimihiisu yahay in ka badan 100 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 107.05 milyan oo doolar oo uga yimid Sucuudiga ayaa la sheegay in uu ka dhigay in uu dib u eego mustaqbalkiisa.

Laacibka reer France ayaa go’aansaday inuu meesha ka saaro qodobkii heshiiska loogu kordhin lahaa ee halka sano ah.

“Real Madrid CF iyo kabtankeenna Karim Benzema waxay ku heshiiyeen inuu soo afjaro waayihiisa cajiibka ah ee lama ilaawaanka ah ee uu u ciyaarayay kooxdeenna” ayaa lagu yiri warbixin ay kooxdu soo saartay.

Reuters.