Kooxda Barcelona ayaa ka baxday heshiiskii ay kula jirtay difaacooda Samuel Umtiti, sida ay sheegtay kooxda heysata horyaalka Spain Jimcihii.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa Barca kaga soo biiray Olympique Lyonnais 2016, waxaana qandaraaskiisa uga haray seddex sanno.
29-sano jirkan ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo xiriir ah kadib markii uu ka caawiyay xulka France ku guuleysiga Koobka Adduunka 2018, waxaana uu xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay kooxda Serie A ee Lecce.
Umtiti ayaa u ciyaaray Barcelona 133 kulan, isagoo kula guuleystay seddex koob oo Copa del Rey ah, labo horyaal oo LaLiga ah iyo labo koob oo maxali ah.
Reuters.