Barakacayaal cusub oo gaaray degaanka Shangale ee Buhoodle
Buhoodle —
Deegaanka Shangale ee hoos yimaada degmada Buuhoodle ee gobolka Sool, waxaa dhowrki sano ee lasoo dhaafay ku noolaa dad ay saameyn ku yeelatay abaarihi is xig-xigay ee Soomaaliya ku dhuftay.
Dadkaasi ayaa waxaa hadda ku biiray qoysas kasoo barakacay dagaalka magaalada Laascaanood ee bilihii dhowaa si goos goos ah uga socday magaalada.