Bandhig wax soo-saarka beeraha ah oo lagu qabtay Beledweyne
Bandhigga Beeraha ee Beledweyne
Beledweyne —
Boqollaal beeralay ah oo ku midaysan Iskaashatada AARAN ayaa wax soo saarkooda kusoo bandhigay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Beeraleydan oo ku nool waqooyiga Baledweyne ayaa sheegay inta badan waxa ay soo saaraan lagu isticmaalo gudaha Baledweyne oo aanay meel kale u iibgeynin.