Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Baydhaba

Bartamaha Baydhabo

Laba qarax oo midi yahay is miidaamin ayaa galabta ka dhacay magaalada Baydhaba halka kan kalena uu ahaa baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Qaraxyada ayaa beegsaday maqaayado ku yaalla badhtamaha magaalada. Dhowr daqiiqo ayaa u dhaxaysa labada qarax sida uu kusoo warramayo weriyaha VOA.

Laba suxufi ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarkan halka saddex kale oo weriyena ay ku dhaawacmeen. Siyaasiyiin ka tirsan Gobolka ayaa iyaguna ka mid ah dadka dhintay.

Hoos ka dhagayso waraysi Haaruun Macruuf la yeeshay weriyahayaga Mukhtaar Maxamed Catoosh iyo Guddoomiyaha Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow.

Your browser doesn’t support HTML5

Qaraxyada Baydhaba