Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyey habraaca wax ka beddelka dastuurka

Xildhibaanada baarlamanka

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay habraaca wax ka beddalka dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib codeyn arrintan la geliyay, waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane.

Fadhiggii maanta ee labada aqal ayaa waxaa hareeray buuq, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada diidanaa ansixinta arrintan ay walaac ka muujiyeen oo ay sheegeen in aan la joogin waqtigeeda.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyey habraaca wax ka beddelka dastuurka