Baarlamaanka Somaliland oo doortay guddoomiye cusub

Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, waxaana 46 xubnood oo ka mid ah Baarlamaanku ay u codeeyeen Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Yaasiin Xaji Maxamud Xiir Faratoon inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada.

Musharixii la tartamayay Maxamed Khadar Dahir ayaa helay 35 cod. Doorashadan ayaa dhacday markii uu furmay kal-fadhigii lixaad ee Golaha wakiilada Somaliland.

Faratoon ayaa beddelaya Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmedoo is casilay bishii Juun. Warkan waxa Hargiesa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Your browser doesn’t support HTML5

Baarlamaanka Somaliland oo doortay guddoomiye cusub.m4a

Waa kuma Faratoon?

Your browser doesn’t support HTML5

Waa kuma Faratoon?m4a