Baarlamaanka oo Dalbaday in la joojiyo Heshiisyada

Baarlamaanka oo Dalbaday in la joojiyo Heshiisyada

Barlamaanka ayaa ka codsaday R/W Farmaajo inuu joojiyo heshiishayada DKMG la gashay shirkaddaha ilaa inta baaritaan buuxa la samaynayo

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Farmaajo ka codsaday inay joojiso heshiisyada lala galay shirkaddaha caalamiga ah ilaa inta laga sameynayo baadhitaanno rasmi ah oo la xiriirra heshiisyadaasi.

Baarlamaanka ayaa hadalkan u sheegay R/Wasaare Farmaajo kaddib markii uu baarlamaanka hortagay si uu sharaxaad uga bixiyo heshiisyada xukuumaddu la gashay ilaa 6 shirkadood oo ajanabi ah oo ay ka mid yihiin Saracen iyo Black Water.

Farmaajo, wuxuu baarlamaanka u soo bandhigay warqad uu ra'iisul-wasaarihii hore Cumar C/rashiid Sharma'arke u qoray shirkadda Saracen International, taasoo qeexaysa sida ay xukuumaddii hore u ogolaatay inay heshiis lagasho shirkadda Saracen.

Ra'iisul-wasaare Farmaajo ayaa gaba-gabadii kulankaasi ka dalbaday baarlamaanka inay siiyaan 4 toddobaad oo uu macluumaad rasmi ah ku uruurinayo si uu baarlamaanka faahfaahin rasmi ah uga siiyo heshiisyada la galay iyo wali cidda sida rasmiga ah u saxiixday. Baarlamaanka ayaa ka ogolaaday codsigaasi.