50 guurada Xornimada Soomaaliya

50 guurada Xornimada Soomaaliya

50 sanno ayaa ka soo wareegtay markii Somalia ay xornimadeeda ka qaadatay dalalkii Ingiriiska iyo Talyaaniga. 26-kii bishii June 1960 ayay ahayd markii ugu horeysay ee calan xor ah laga taago gobolladii waqooyi ee dalka Somalia, iyadoo 1-dii July isla sanadkii 1960-kii ay xornimadii qaateen gobolladii koonfureed.

Labadii gobol ayaa midoobay isla 1-dii july 1960 waxaana maalintaasi la yagleelay dowladdii ugu horeysay ee Somalia yeelato.

Laanta Af-Soomaaliga ee VOA waxay munaasabaddan sanadguurada 50-aad idiin soo gudbinaysaa barnaamijyo taxane ah oo ka hadlaya marxaladdihii iyo isbeddeladii kala duwanaa ee Somalia soo martay 50-kii sanno ee la soo dhaafay ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, ciyaaraha, arrimaha bulshada, diinta iyo sisaasadda.