Kooxda Arsenal ayaa heshiis waqti dheer ah la saxiixatay weeraryahanka xulka qaranka Jarmalka iyo kooxda Chelsea Kai Havertz, sida kooxda horyaalka Premier League ay Arbacadii sheegtay.
Lacagta lagu kala wareegayo lama shaacin balse warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay in Arsenal ay siin doonto Chelsea 65 milyan oo gini oo u dhiganta 82.63 milyan oo dollar iyo 5 milyan oo gini oo dheeraad ah.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku biiro kooxdaan cajiibka ah iyo inaan ka mid noqdo qoyska Arsenal, kooxdaan waxay leedahay taariikh weyn, waxaana rajeynayaa inaan ku guuleysan karno waxyaabo badan," ayuu yiri 24-sano jirkaan mar uu la hadlayay websiteka kooxdiisa cusub ee Arsenal.
Havertz ayaa ku dhawaad 140 kulan u saftay Chelsea tartamada oo dhan isagoo u dhaliyay in ka badan 30 gool, wuxuuna ka caawiyay inay ku guulaystaan Champions League 2020-21, iyo sidoo kale UEFA Super Cup iyo Club World Club 2021.
Havertz waxa uu Chelsea kaga soo biiray kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee Bayer Leverkusen, bishii September 2020, halkaas oo uu ka soo bilaabay xirfadiisa ciyaareed.
Reuters.