Waxaa xalay magaalada Baydhaba lagaga dhowaaqay in heshiis laga gaaray muran ku saabsanaa muddo halssano oo ay horey ugu kordhiyeen muddo xileedka madaxweynaha Konfur Glabeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Murankan ayaa u dhexeeyey hoggaanka maamulkaas iyo madaxda mucaaradka.
Hehsiiska ayaa dhigayey in odayaashu dhaqanku ay soo xulaan xubaha baarlamaanka maamulkaas bilaha Noofembar iyo Diisamber ee sannadkan 2023-ka, iyo in bisha Jannaayo ee sannadka 2024-ka la qabto doorashada madaxweynenimada.
Haddaba dadweynaha magaalada Baydhaba ayaa fikraddooda ka dhiibtay heshiiskan. Waxaa warbixintan inoo soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.
Your browser doesn’t support HTML5
Aragtida dadweynaha Baydhaba ee heshiiskii doorashada KG