Soomaali Isku Dilay Dalka Malaysia

Kuala Lumpur, Malaysia

Dr. Xuseen, ayaa ahaa nin aqoonyahan ah, oo heerka waxbarashada ka gaaray illaa shahaadada PhD, balse sida la sheegay madaxa loogu jiray muddo ku dhow hal sano.

Nin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Dr. Xuseen ayaa geeriyooday kaddib markii uu iska soo tuuray dabaqa toddobaad ee gurigii uu deganaa oo ku yaalla magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda dalka Malaysia.

Dr. Xuseen ayaa muddo ku dhow 20 sano deganaa dalka Malaysia, sida uu idaacadda VOA-da u sheegay Saciid Cumar Baafo, oo ah suxufi Soomaaliyeed oo degan magaalada Kuala Lumpur.

Dr. Xuseen, ayaa ahaa nin aqoonyahan ah, oo heerka waxbarashada ka gaaray illaa shahaadada PhD, balse sida la sheegay madaxa loogu jiray muddo ku dhow hal sano.

Booliiska ayaa laga soo xigtay inuu qaadanayey daawooyinka madaxa, balse uu joojiyey dhowaan. Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu isku dilay oo aan ka ahayn in madaxa looga jiray.

Cabdiraxmaan Xuseen Furre ayaa geerid Dr. Xuseen ka wareystay Weriye Siciid Cumar Baafo.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Saciid Baafo