Aqalka Sare oo meel-mariyey hindise-sharciyeedka NISA

Aqalka Sare

Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay hindse-sharciyeedka Hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, sharcigaan oo horay uga soo gudbiyay Golaha Shacabka.

Xildhibaannada qaar ayaa Hindse-sharciyeedkaan ku tilmaamay mid awood badan siinaya hay'adda iyo Agaasimaheeda, hase-ahaatee dooddii ay keeneen ma noqon mid hor istaagtay in la meel mariyo.

Haddii uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu sharcigaan saxiixo waxay NISA nus qarni kadib noqoneysaa hey'ad ku dhisan sharci uu Baarlamanka dalka ogolyahay.

Warbixintaan waxaa Muqdisho kasoo diray weriyaha VOA Cabdicasiis Barrow.

Your browser doesn’t support HTML5

Aqalka Sare oo meel-mariyey hindise-sharciyeedka NISA