Ankunda: Al-shabaab waa laga Adkaaday

  • Abdulaziz Osman

Thousands of protesters gather for another rally at Taksim Square in Istanbul, Turkey, June 3, 2013.

Afhayeenka AMISOM, Major Paddy Ankunda ayaa sheegay in bixista al-Shabaab ee Muqdisho ay muujinayso in dagaalka looga adkaaday Shabaabka

Afhayeenka ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM, Major Paddy Ankunda ayaa VOA u sheegay in kooxda al-shabaab laga adkaaday, sababta ay uga baxday Muqdisho uu yahay iyagoon sii wadi karin dagaalka Muqdisho.

Afhayeenka AMISOM, wuxuu xusay in maleeshiyo ka tirsan Al-shabab ay imika ku sugan yihiin degmada Deyniile, wuxuu kaloo sheegay inay la wareegi doonaan fadhiisimahii ay kooxda al-shabaab banneysay.

Afhayeenku wuxuu ka bixidda al-shabaab ee Muqdisho ku sheegay inay sahli doonto in mucaawinnada la gaadhsiiyo dadka u baahan.