Amnesty oo ka Deyrisay Xaaladda Soomaali ku Xiran Uganda

Amnesty oo ka Deyrisay Xaaladda Soomaali ku Xiran Uganda

Amnesty ayaa sheegtay in xaaladda caafimaad labo wiil oo dhalinyaro Soomaali ah aysan wanaagsaneyn.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay inay aad uga sii darayso xaaladda caafimaad ee labo wiil oo Soomaali ah oo inka badan sanad ku xiran xabsi ku yaalla dalka Uganda, kaasoo ay hay’addu ku tilmaamtay nadaafad ahaan inuu aad u liito.

Labada dhalinyarada ee ku xiran dalka Uganda ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Xasan Xaaji oo 25 jir ah iyo Cabdirashiid Cabdullaahi Cumar.

Amnesty ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta dalka Uganda ay damacsan yihiin inay wiilashaasi si qasab ah ugu celiyaan Soomaaliya.