Al-Shabaab oo weeraray xerada Baarsanguuni iyo dagaal culus oo dhacay

Al-Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar kusoo qaaday xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, kuna taal duleedka Waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo 45km dhinaca waqooyi kaga beegan Kismaayo, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray labada dhinac.

Faafaahinta warkan waxaa Kismaayo kasoo diray wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.

Your browser doesn’t support HTML5

Al-Shabaab oo weeraray xerada Baarsanguuni iyo dagaal culus oo dhacay