Al-Shabaab oo weeraray Galcad iyo dagaal culus oo ka dhacay

Shabaab

Ilaa 25 ka tirsan askarta dowladda Soomaaliya oo uu ku jiro taliye ku-xigeen ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerar culus oo saaka waabarigii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ku yaalla degmada Galcad oo ka mid ah degmooyinkii ay ciidamada dowladda toddobaadkan ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaalia ayaa iyadu sheegtay in dagaalka looga dilay 7 askari oo uu ku jiro, taliye ku-xigeenka guutada Danab Xasan Maxamed Cusmaan oo lo yaqaan Xasan Tuure. Guutada Danab waxaa tababara dowladda Maraykanka.

Saraakiil magacooda qariyay ayaa VOA u xaqiijiyay in dagaalka saaka ay dowladda dhinaceeda uga dhinteen illaa 25 askari oo uu ku jiro taliye ku-xigeenka.

Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Somaaliya ayaa sheegtay in weerarka la iska caabiyey, islamarkaana lagu jebiyey maleeshiyada Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 100 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Kooxda al-Shabaab ayaa iyaduna dhinaceeda sheegatay in dagaalka ay ku dileen 159 ka tirsan askarta dowladda, iyadoo sheegashada labada dhinac aan si madax banana aan loo xaqiijin karin.