Al-shabaab oo ka baxday Muqdisho

Al-shabaab oo ka baxday Muqdisho

Kooxda Al-shabaab ayaa ka baxday fadhiisimahii ay kaga sugneyd Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya inay ku harsan yihiin degmada Deyniile

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyada kooxda al-shabaab ay ka baxeen fadhiisimihii ay kaga sugnaayeen magaaladaasi.

Afhayeenka kooxda Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dhamaan ay ka baxeen Muqdisho, wuxuuna sheegay inay beddeleen qorshahihii ama taatikadii dagaalkii ay ka wadeen Muqdisho.

Dhinaca kalena, dowladda KMG ayaa sheegtay inay dagaaladii toddobaadkan ka dhacayay Muqdisho ay kooxda al-shabaab ku qasbeen inay ka baxaan Muqdisho.