Jigjiga: Sharci lagu soo rogay Jaariyadaha

Khadar Muxumed Ismaaciil, Ku xigeenka Duqa Magaalada Jigjiga

Maamulka magaalada Jigjiga ayaa ka warbixiyay sharci cusub oo lagu soo rogay gabdhaha jaariyaha ah ee ka adeega guryaha, kaas oo waajibinaya in ay maraan baaritaan caafimaad ka hor inta aan la shaqaaleysiin.

Arrintan ayaa timid kaddib markii 28 gabdhood oo ka mid ah adeegayaashaas laga helay cudurka HIV/AIDS. Wariyaha VOA-da ee Jigjiga, Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa, ayaa arrintan ka wareystay ku-xigeenka duqa magaalada Jigjiga, Khadar Muxumed Ismaaciil.

Hase yeeshee, Khadar ayaa marka hore ka warbixinaya halka uu hadda marayo mashruuca horumarineed ee lagu qurxinayo waddooyinka magaalada Jigjiga.

Your browser doesn’t support HTML5

Jigjiga: Sharci lagu soo rogay Jaariyadaha