Ciidamada Puntland oo ajaaniib ka xir-xiray Boosaaso

Puntland Police

Ciidamada amniga ee Puntland ayaa maanta iyo xalayba magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku qabqabtay ajaaniib ay ku jiraan dad u dhashay dalalka Yemen iyo Suuriya oo magaaldaasi dagagnaa, kuwaasi oo qaarkood ganacsiyo yaryar ku leh magaalada.

Qab-qabashadan ayaa imanaysa xiilli ciidamada Puntland ay dagaallo kula jiraan maleeshiyada kooxda Daacish. Yuusuf Maxamuud ayaa warbixintan ka soo diray Boosaaso.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada Puntland oo ajaaniib ka xir-xiray Boosaaso