Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, waxaa Axaddii shalay lagu aasay wiil 18 jir Soomaali ah oo rag hubeysani ay Jimcihi toogasho ku dileen.
Warar ay VOA-da heshay ayaa sheegaya, in kooxo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen dilka marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdiraxman, lagu arkay qabuuraha taas oo qalqal gelisay dadkii joogay aaska.