Kooxda xasaradaha caalamiga ah ee ICG ayaa sheegtay in kooxda ISIS ama Daacish ee Soomaaliya ay la soo baxday saameyn dhaqaale oo muhiim u ah argagixisada.
Warbixin ay qortay ayaa tibaaxaysa in hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya laga yaabo in uu noqdo madaxa guud ee kooxdan xagjirka ah, xilli ay Daacish dooneyso in ay ballaariso hawlagalladeeda Afrika.