Maamulka Qardho oo guryo u qeybiyay qoysas barakacayaal ah

Guryo cusub oo loogu tala galay barakacayaasha Qardho oo laga dhisay duleedka magaalada.

In ka badan 78 guri ayaa maamulka degmada Qardho uu ku wareejiyay qoysas isugu jira barakacayaal iyo qaxooti muddo dheer ku noolaa magaaladaasi.

Guryahan ayaa qayb ka ah Mashruuca Xalka Waara, kaas oo muddo dheer ka shaqaynayay deegaannada Puntland, ujeedadiisuna tahay in dadka barakacayaasha ah iyo qaxootigga ay noqdaaan kuwa deegaan ah oo is-dhexgal bulsho sameeya.

Weriyaha VOA Bosaaso, Yusuf Maxamud Yusuf, ayaa dib u dajinta loo sameeyay dadkan ka waraysatay Duqa magaalada Qardho Cabdi Siciid Qaal.

Your browser doesn’t support HTML5

Duqa Qardho.m4a