Maleeshiyo Shabaab ka goystay oo Dowladda isu dhiibay

Sawir hore oo muujinaya Malleeshiyo ka tirsan Al Shabab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isu soo dhiibeen malleeshiyo kasoo goystay ururka Al Shabab oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso ilaa 100 qof.

Dowladdu waxay sheegtay, in malleeshiyadan ay ka faa'idesteen cafis uu bishi August ee sannadki 2023-ki uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud u fidiyay, malleeshiyaadka raba in ay kasoo baxaan ururka Al Shabab.

Haddaba faah-faahinta warkaan, ayaa wariyaha VOA-da, Cabdicasis Barrow uu ka wareystay, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxman Yusuf Sheekh Al Caddaala.

Your browser doesn’t support HTML5

Maleeshiyo Shabaab ka goystay oo Dowladda isu dhiibay