Afur-wadareed lagu qabtay Hargaysa

Food Ramadan

Magaalada Hargeisa ayaa lagu qabtay kulan afur wadareed ah oo ay goob ku wada afureen boqolaal qof oo ka kala yimid bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dadkan oo jidka mid ka mid ah xaafadaha magaalada kuwa wada furay soonka maalintii 18-aad ee bisha Ramadan, ayaa halkaasi ku wadaagay cunto goobta lagu sii diyaariyay iyo waliba mid qaar ka mid ah dadka goobta lagu qabanayay jaarka la ahaa ay guryahooda kusoo diyaariyeen.

Qaban qaabiyeyaasha ayaa sheegay in afur wadareedkani uu suurtogaliyay inay goob ku wada afuraan masuuliyiintii iyo danyartii. Warbixin arintan ku saabsan waxa inoo haya Abdi hakin Shirwac.

Your browser doesn’t support HTML5

Afur-wadareedka Hargeisa