Sida ay sheegtay hay’adda Save the Children ee ka shaqeysa daryeelka caruurta ee fadhigeedu yahay magaalada London, ugu yaraan 54 qof ayaa xanuunka dacuunka ugu dhintay Soomaaliya bilihii u danbeeyay.
Hay’adda ayaa qoraal ay soo saartay toddobaadkan ku sheegtay in sagaal ka mid ah dadkan ay toddobaad ka hor u dhinteen cudurkan, taasoo ka dhigeysa tiradii ugu badneyn oo toddobaad gudihii u dhinta xanuunka.
Maxamed Colaad Xassan oo Washington jooga ayaa khadka taleefanka ee Muqdishu kula xiriiray Maxamed Cabdulqaadir oo ah Sii haya Agaasimaha howl-gelinta hay’adda Save The Children Xafiiskeeda Soomaaliya.
Your browser doesn’t support HTML5
Halkan ka dhageyso wareysiga sarkaalka ka tirsan Save The Children