Faahfaahin ku saabsan waxyeellada dabkii suuqa Bakaaraha

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana dabku uu saameeyey qaar ka mid ah dukaamada ganacsiga oo ay ku jiraan dukaamo lagu iibinayey qalabka elektaroonigga.

Waxaa halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka dab-damiska ee dawladda hoose iyo kan shirkadda Hormuud.

Warbixintan waxaa inoo soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Dabka Bakaaraha

Dhinaca kale, si aan faahfahain dheeraad ah u helno ayaa Haaruun Macruuf waxa uu la xiriiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Suuqa Bakaaraha, Xasan Cabdi Axmed “Xoogsade”. Ugu horrayna waxa uu weydiiyey sida ay wax u dhaceen?

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi dabka suuqa Bakaaraha