Somaliland oo beenisay in markab shidaal u siday Berbera ay weerareen Xuutiyiinta

Markab ku xiran dekedda Berbera

Maareeyaha Guud ee Kaydka Haamaha Shidaalka Somaliland ee Berbera Axmed Ibraahim Cabdi ayaa beeniyey warar sheegaya in markab shidaal u siday haamaha Berbera ay waxyeelo ka soo gaartay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen markabkaasi oo marayey Badda Cas.

Maareeyaha ayaa xusay in markabku uu u socday Singapore kana soo shiraacday dalka Ruushka. Khadar Maxmed Cakule ayaa khadka taleefanka Berbera ku waraystay maareeyaha, waxa uuna wax ka weydiiyay arrintan.

Your browser doesn’t support HTML5

Maaareeyaha guud ee Kaydka Haamaha shidaalka Somaliland ee Berbera