Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inay dileen in ka badan 130 al-Shabaab ah

Al-Shabab Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgallo ka dhacay maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubaland lagu dilay in ka badan 130 maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab maalmihii lasoo dhaafay. Haddaba wararkii u dambeeyey ayaa Caasha Ibraahim Aadan ay ka waraysatay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfafainta dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmana Yuusuf Al-Caddaala.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya

Dhinaca kalena Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay ciidamada khasaare ugu gaysteen weerarro ka dhacay deegaanka Baraag Ismaaciil iyo duleedka Camaara. Sheegashooyinkan kala duwan ayaa VOA si madaxbannaan u xaqiijin.