Kane oo taariikh kale ka sameeyay horyaalka Jarmalka

FBL-GER-BUNDESLIGA-COLOGNE-BAYERN MUNICH

FBL-GER-BUNDESLIGA-COLOGNE-BAYERN MUNICH

Ciyaaryahanka kooxda Bayern Munich ee Harry Kane ayaa mar kale kooxdiisa ku hoggaamiyay guul weyn, kadib markii uu goolka guusha uu ka dhaliyay kooxda ay martida u ahaayeen ee Cologne Jimcihii, waxana uu sare u qaaday rikoorka gool dhalinta ee uu ka sameeyay horyaalka Jarmalka, halka uu si ku meel gaar ah kooxdiisu ay hadda u horkaceyso Bundesliga.

Kabtanka England, oo noqday suuqa kala iibsiga ciyaaryahankii ugu qaalisan Horyaalka Jarmalka, markii uu Bayern kaga soo biiray Tottenham Hotspur heshiis dhan 100 milyan oo Yuuro ($ 109.07 milyan) xilli ciyaareedkan, wuxuu dhaliyay rikoor goolasha horyaalka, isagoo dhaliyay 18 gool 12-kii kulan ee ugu horreysay.

Sidoo kale waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Ingiriis ah oo hal xilli ciyaareed ka dhaliya Bundesliga 18 gool.


"Runtii waxay noo ahayd ciyaar aad u wanaagsan maanta, dadka qaarkiis waxay eegaan natiijada waxaana laga yaabaa inay filanayeen wax yar. “Waxaan dhalin karay seddex gool qeybta hore oo kaliya. Ayuu yiri Kane.

Reuters.