Soomaaliya oo diyaarineysa ciidankii ATMIS beddeli lahaa

RW Xamse Cabdi Barre

RW Xamse Cabdi Barre

Dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa hadda qaadanaya ciidan boolis ah oo gaaraya afartan kun oo ciidan ah kuwaasi oo labaatan kun oo ka mid ay qaadanayaan maamul goboleedyada.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ciidankan booliska ah ay la wareegi doonaan booska ATMIS, sidaas darteedna ay yeelan doonaan sharuudo adag marka ay timaado qaadashadooda.

Dhammaadka sanadkan ayaa lagu wadaa Golaha Ammaanka ee QM in warbixin looga dhageysto Soomaaliya gaar ahaan arrimaha ammaanka.

Warkan waxaa Muqdisha ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Booliska Soomaaliya oo la wareegaya doowrka ATMIS