Fatahaado culus iyo daadad ka dhashey biyaha roobka ayaa saameyn weyn ku yeeshay bulshada ku dhaqan ugu yaraan 4 degmo oo gobolka Gedo ah.
Degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow iyo Baladxaawo ayaa waxaa ku fatahay wabiyada Jubba iyo Daawo- halka magaalada Ceelwaaq na ay saddex qof ugu geeriyoodeen oo labo gabadhood oo walaalo ah ay ku jiraan roobab xoogan oo ka da’ay magaalada.
Dad badan ayaa guryahood ka barakay, waxaana jirta walwal ay masuuliyiintu ka qabaan xaalka dadadkaasi iyo saameynta ay yeesheen.
Cabdirashiid Caroog oo ah gudoomiyaha degmada Baladxaawo ayaa wariyaha VOA ee Washington Sahra Cabdi Axmed kula xiriirtay khadaka telefoonkaa, waxaan waydiiyey xaalka degamada iyo saameynta fatahaada iyo roobabka ay reebeen.?
Your browser doesn’t support HTML5
Wareysiga Fatahaadda Gedo