Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay jeediyey khudbad horey loo sii duubey oo socotey 24 daqiiqo.
Deni waxa uu khudbaddiisa kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, doorashooyinkii laga qabtey 30 degmo ee Puntland, halka laga aadayo, iyo arrimaha gobolka Sool iyo Khaatumo, isagoo fariin u diray Somaliland.
Wariyaha VOA, Nuux Muuse Birjeeb, ayaa warbixintan Garoowe ka soo diray.
Your browser doesn’t support HTML5
Siciid Deni oo khudbad uu jeediyay dhinacyo badan kaga hadlay
Dhinaca kale, Dalladda Mucaaradka Puntland ayaa ka jawaabtay hadaljeedintii xalay ee Madaxweyne Deni uu ku sheegay in Puntland doorashadeeda ay noqonayso tartanka Xisbiyada iyo Doorasho qof iyo Cod.
Waa kan mar kale wariyaha VOA, Nuux Muuse Birjeeb oo warbixintan inooga soo diray Garoowe.
Your browser doesn’t support HTML5
Mucaaradka Puntland oo u jawaabay Madaxweyne Deni