Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo gaba gabeeyay hawlgal muddo ku dhow bil socday oo ka dhan ahaa al-Shabaabka ku sugnaa deegaannada Ciid-ciidka iyo Cali Fooldheere ee gobolla Shabeelaha Dhexe, halkaas oo la sheegay inay ku go'doonsanaayeen koox Shabaab ah.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Caddaala ayaa VOA u sheegey in tiro maleeshiyaad Shabaab ah howl galladaasi lagu dilay, halka kuwa kalena ay baxsadeen oo wabiga ay dhanka kale uga tallaabeen.
Xaaladaha deegaannadaasi ayuu Jamaal Axmed Cismaan uga warramay.