Kamaal Aba-Sheikh: 'Wiilkeyga Soomaali ma ahan, Mombasa ayaa laga soo qafaashay', wareysi

  • Mohamed Olad

Aba Sheikh

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa toddobaadkii hore sheegtay inay soo qabatay Zakariya Kamaal Aba Sheikh, oo ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya in uu fududeyn jiray hubka iyo qalabka kale ee milatari ee ay Al-Shabaab dibadaha ka soo iibsato.

Qoraal ay soo saartay NISA ayay ku sheegtay in Zakariya la soo qabtay isagoo ku dhuumaaleysanaya gudaha Soomaaliya, Laakiin aabaha dhalay Zakariya, Kamaal Aba Sheikh ayaa sheegay in Zakariya laga soo qafaalay magaalada Mombasa, islamarkaana uu doonayo in wiilkiisa uu caddaalad helo.

Kamaal Aba Sheekh oo la soo xiriiray VOA ayaa waxaa wareysi la yeeshay Maxamed Colaad Xassan. Wuxuuna wareysigu u dhacay sidan:

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso Wareysiga Kamaal Aba-Sheikh

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalka ka soo yeeray aabaha dhalay Zakariye Aba Sheikh. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala ayaa VOA u sheegay in ay maxkamad geyn doonaan Zakariye Aba Sheikh.

Your browser doesn’t support HTML5

Wasiir Al-Caddaala oo ka jawaabay eedaha waalidka Zakariye Aba Sheikh