Wareysi: Wasiirka Isgaarsiinta oo sharxay go'aanka lagu xirayo, TikTok, Telegram iyo 1xBet

Jaamac Xasan Khaliif

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Soomaaliya ayaa soo jeedisay in la xiro baraha isgaarsiinta bulshada ee TikTok, Telegram iyo 1xBet.

Go’aankan ayaa yimid kadib shir wadatashi ah oo ay ka yeesheen dhinaca bedqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo adeegyada baraha bulshada, kaas oo ay iskugu yimaadeen madaxda wasaaradda, hey'adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta ee Dalka.

Wasaaradda ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee internet-ka bixiya siisay illaa Khamiista soo socota inay ku joojiyaan adeegga internet-ka ee barahaas bulshada.

Haddaba go’aankan iyo waxa loo cuskaday ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Jaamac Xasan Khaliif.

Your browser doesn’t support HTML5

Waraysiga: Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya