5 qof oo ku dhintay dagaal Muqdisho ku dhexmaray askar ka wada tirsan dowladda

Muqdisho

Muqdisho

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay dagaal magaalada Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidan kale oo uu hor-kacayay sarkaal hore uga tirsan ciidamada oo lagu magacaabo Sheegow. Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen Sheegow iyo 25 askari oo uu watay.

Dhinaca kale, dhowr hoobiye ayaa maanta ku dhacay gudaha garoonka diyaaradaha ee Adden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ay taasi sababtay in la hakiyo qaar ka mid ah duullimaadyadii garoonkaasi tagi jiray.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Faahfaahinta dagaal ka dhacay Muqdisho