Jesus oo garoomada ka maqnaan doona dhawr toddobaad kadib qalliin jilibka ah

Weeraryahanka kooxda Arsenal iyo xulka Brazil ee Gabriel Jesus ayaa garoomada ka maqnaan doona toddobaadyada soo socda kadib markii qalliin looga sameeyay jilibka, kaas oo la xiriira dhaawacii kasoo gaaray koobkii adduunka ee sanadkii hore, sida uu sheegay tababare Mikel Arteta Arbacadii.

Jesus ayaa seegay inta badan qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore kadib markii qalliin looga sameeyay jilibka midig bishii December ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray intii uu u ciyaarayay xulka qaranka Qatar koobka adduunka.

“Waa dhaawac la xiriira dhaawacii hore ee uu qabay, iyo qalliinkii lagu sameeyay,” ayuu Arteta ku sheegay shir jaraa’id kadib markii Arsenal ay rigoorayaal 6-5 ku garaacday AS Monaco ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ku galeen Emirates Cup.

"Ma ahan wax weyn laakiin waxa uu maqnaanayaa dhowr toddobaad ayaan filayaa." ayuu raaciyay.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkeeda 2023-24 ku bilaabi doona kulanka ugu horreeya ee gurigeeda kooxda Nottingham Forest 12-ka bishan.

Reuters.