Xasan Sheekh oo wacad ku maray dagaal ka dhan ah musuqa

Xasan Sheekh

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyada ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul-Adxaa.

Labada masuul ee ugu sarreeysa dalka ayaa khudbado ay jeediyeen ku sheegay in ay muhiim tahay in nabadda laga qayb qaato si Soomaaliya ay u noqoto nabad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga hadlay musuq-maasuqa, isaga oo wacad ku maray in dowladda ay si dhab ah ula dagaalami doonto.

Wariyaha VOA-da ee Muqdisho C/qaadir Maxamed Cadbdule ayaa warbixintan noo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Xasan Sheekh oo wacad ku maray dagaal ka dhan ah musuqa