Tababaraha kooxda Inter Milan ee Simone Inzaghi ayaa muujiyay sida uu ula dhacsan yahay Pep Guardiola iyo Manchester City wuxuuna sheegay in kooxdiisu ay ku qasban tahay inay la yimaadaan heerkii ugu sarreyay si ay ugu guulaysataan finalka ciyaarta Champions League Sabtida.
Kadib markii uu ku guuleystay horyaalkiisii shanaad ee Premier League lixdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyo guushii FA Cup ee toddobaadkan, Guardiola wuxuu ku biiray Arsene Wenger iyo Alex Ferguson oo ah tababareyaasha kaliya ee ku guuleystay horyaalka iyo FA-ga wax ka badan laba jeer.
Inter ayaa 11 guul gaarta 12-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan, waxaana kooxda Inzaghi ay sidoo kale soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.
Inter ayaa ku guuleysatay labada koob ee Coppa Italia iyo Super Cup-ka talyaaniga, taasoo sare u qaaday kalsoonida ay ku qabaan finalka Champions League oo ay ku wajahayaan City magaalada Istanbul.
"Kubadda casriga ah, waxaa jira kahor iyo kadib Guardiola, waxay noqon doontaa mid aad muhiim noogu ah," ayuu Inzaghi ku sheegay shir jaraa'id Isniintii.
“Waa inaan si taxaddar leh u ciyaarna ciyaar aan ka qeyb qaadanno dhammaanteen, waan ognahay inaan wajahi doono kooxda ugu wanagsan, oo heysata ciyartooy cajiib ah iyo tababare taariikh leh" ayuu raaciyay.
Reuters.