Ramos oo go'aansaday inuu ka tago kooxda Paris St Germain

Sergio Ramos yayin wasan Paris Saint-Germain da Saint-Etienne, ranar Lahadi, 28 ga Nuwamba, 2021. (AP Photo / Laurent Cipriani)

Difaaca reer Spain ee Sergio Ramos ayaa ka tagaya kooxda heysata horyaalka France ee Paris St Germain, sida ay sheegtay kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 Jimcihii.

37-sano jirkaan ayaa beeca xorta ah ku yimid garoonka Parc des Princes ee kooxda PSG kahor xilli ciyaareedka 2021-22 kadib markii uu ku guuldareystay inuu gaaro heshiis muddo kordhin ah 16-sano oo uu la joogay Real Madrid.

Difaaca dhexe ee khabiirka ah, kaasoo kula guuleystay Koobka Adduunka iyo labo Euro oo uu la qaaday Spain iyo koobab badan oo uu kula guuleystay Real Madrid, ayaa ka tagi doona caasimadda Faransiiska, isagoo qandaraaskiisu dhacayo.

Intii lagu guda jiray labadii xilli ciyaareed ee uu la joogay kooxda Paris, Ramos wuxuu kula guuleystay labo horyaal oo Ligue 1 ah iyo French Super Cup.

Guddoomiyaha Paris St Germain Nasser Al-Khelaïfi ayaa Ramos uga mahad celiyay dadaalka uu ka sameeyay garoonka Parc des Princes.