Tababaraha AS Roma Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan hubin mustaqbalkiisa kooxda kadib guuldaradii 4-1 ee rigoorayaal looga badiyay finalkii Europa League ee Arbacadii taas oo ay la ciyaareen kooxda Sevilla.
Guuldarradan ayaa la macno ah in Roma ay ku fashilantay inay u soo baxdo koobka Champions League xilli ciyaareedka dambe waxana ay keentay in su’aalo la iska waydiiyo in 60 jirkan uu baaqi kusii ahaan doono caasimadda Italy, iyada oo lala xiriirinayo kooxda Paris St Germain.
“Waxaan mustaqbalkeyga kala hadlay kooxda Roma bishii December markaasoo aan dalab ka helay xulka qaranka Portuga. Wax xiriir ah lama sameynin cid kale tan iyo markaas, sannad ayaa iga haray qandaraaskeyga, xaaladuna waa sidaan”. ayuu yiri Mourinho.
Waa guuldaradii ugu horeysay ee Mourinho kasoo gaarta finalka Yurub, lakiin waxa uu sheegay inuu ku hanweyn yahay qaab ciyaareedka kooxdiisa, waxaana uu qiray in xilli ciyaareedkan uu saameyn weyn ku yeeshay.
Reuters.