Wareysiyo: Baarlamaanka Minnesota oo ansixiyay sharci muhiim ah

Minnesota Soomaali

Golaha baarlamaanka ee gobolka Minnesota ayaa ansixiyay sharci ilaalinaya caafimaadka iyo xuquuqda shaqaalaha xarumaha iyo warshadaha shirkadaha waaweyn ee Maraykanka. Sharcigan ayaa daba socda cabasho ka timid shaqaalaha shirkadda Amazon ee gobolka Minnesota oo u badan Soomaali.

Haddaba, wariyaha VOA Maxamuud Mascadde ayaa waraystay Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse oo madax u ah xarunta Awood Center oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda shaqaalaha iyo Maxamed Faarax Xasan oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda Amazon, waxaana jawaabta ku horaynaya madaxa xarunta Awood Center.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso warbixinta oo dhameystiran